Madaxweyanaha Puntland oo ka qayb-galay Roobdoon Alle SWC lagu qabtay Garoowe

July 25, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare Garoowe kaga qayb-galay Roobdoon Alle SWC lagaga baryaayey Ramaxddiisa (Roob) inuu ku manaysto ummaddiisa.
Abaarta iyo jiilaalka jira oo sababtay xaalad adag oo ay waajaheen dad iyo duunyoba, waxa ay dowladdu juhdigelisey Roobdoon xiriir ah oo Alle SWC lagu waydiisanaayo Raxmaddiisa, waxa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeedba ku booriyey inay markasta iyo xaalad kasta oo ay ku jiraan Rabbi SWC waydiistaan dembidhaaf iyo Raxmaddiisa, mid wax tarleh oo aan waxyeelo lahayn.
Madaxweynuhu waxa uu shacabka ku booriyey inay isgarab-istaagaan wakhiyada adag ee lagu-jiro, waxa uu xusay, in abaartu saamaysay qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badan Reerguuraaga iyo dadka danyarta ah.
Ugu dambayn, Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladdu dorkeeda iyo masuuliyaddeeda gudanayso, shacabka iyo cidkasta oo ay khusayso arrintani, iyana doorkooda u qaataan si hagar la’aan ah, si gargaar iyo garab-istaag deg deg ah loola gaaro shacabka abaartu saamayso.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online