Madaxweynaha DFS oo shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale

July 9, 2022 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
“Masjidkan oo dhulka laga hirgaliyayay ay dowladdu bixisay; waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dadkii soomaaliyeed ee dhaqaalahooda galiyay, sida tabarucaadda ahna u dhisay, tanina waa astaan wanaagsan oo muujineysa sida dowlad iyo shacabba aan mas’uuliyadda isaga saareyno diinteenna suubban. Waan ilaalinaynaa, waan dhowreynaa; wixii horumarinaayo diinta ayaan sameyneynaa”.
Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo, gaar ahaan farxadda ciidda oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada ka soo horjeedda dowladnimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

——DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online