Madaxweynaha DFS oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Turkiga

July 7, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyaga oo u soo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.
“Waxaan uga mahadcelinyaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan casuumaaddii uu ii fidiyey, kulankii aan wada qaadannay waxa uu ahaa mid miro-dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal. Waxaan si gaar ah isu dul taagnay kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka iyo waxbarashada.”
Madaxweyanha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay dhiggiisa Turkiga kalgacalka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowladda iyo walalohooda Turkiga iyo waliba abaalka ay uga hayaan taageeradooda hagar la’aanta ah.
“Waxaan la wadaagay abaalka ay u hayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed walaalahooda Turkiga oo markasta la garab taagan hiil buuxda”.
Dhinaca kale, dowladda Turkiga waxa ay ballan qaaday in dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Ankara ay degi doonto guri ay iyadu leedahay, xilli markii hore ay ku jirtay mid kiro ah. Sidoo kale, labada dowladood waxa ay dhawaan kala saxiixan doonaan heshiisyo ganacsi halka la sii xoojin doono iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.
Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.
“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsi, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Soomaaliya waxa ay Turkiga u aragta jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.”
Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo wafdigiisa aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta heshiisyada ganacsiga iyo maalgashiga ka dhaxeeya labada.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online