Madaxweynaha DFS oo wili wada kormeer cutubyo ka tirsan DFS oo ku sugan dalka Ereteriya

July 11, 2022 - Written by Editor

Asmara:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.
Kormeerkan ayuu madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda ciidanka badda ee tababbarka ku qaadanaya dalka Ereteriya kuwaas oo uu u rajeeyey in ay kaalin muuqata ka qaataan howgalada amni ee ka socda dalka.
Ciidankan ayaa sameeyey dhoolatus ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha JFS waxa uuna madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf isaga oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamadan ayaa ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go’an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey ahmiyadda qaran ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda tayadooda, si loo xaqiijyo xoreynta dalka, loogana dulqaado dadka iyo mandiqaddaba qatarta argagixisada ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka.

———-DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online