Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayey madax- bannaanida Gobolada Koonfureed
July 1, 2022 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayey 62 guuradii kasoo wareegtay midnimada Soomaaliya iyo madax- bannaanida Gobolada Koonfureed ee 1da Luuliyo taas oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Munaasabadan oo aheyd mid balaarran, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, Xubno ka tirsan aqalka sare ee BFS, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Maamulka Iyo shacabka caasimadda, iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.
—–Dhamaad—–