Madaxweynaha Hassan Sheekh JFS oo kulan kula qaatay Cabdulfataax Al-siisi.

July 25, 2022 - Written by Editor

Qaahira:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadan ay sal-dhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada.
Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata.
Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso in xiriir wanaagsan oo ka tarjumaya iskaashi iyo wax wada-qabsi ay la yeelato dhammaan dalalka ay la tahay saaxiibka, dariska iyo dan wadaagta.

——–DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online