Madaxweynaha JFS Hassan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay

July 7, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga, ayaa galabta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban, ayaa ku borriyey dhammaan shacabkeenna in ay maalmahan badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadkeenna danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.

Dhanka kale, Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada Ciidamada, iyadoo Madaxweynuhu uu u kuur galay xaaladda ee ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ku dhaqan.

—-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online