Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay xiritaanka shir weynaha dalalka dallada bulshada bariga afrika (eac)[Masawiro]

July 22, 2022 - Written by Editor

Arusha:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan.

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (Eac), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyneyaasha, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan, Uganda Mudane Yoweri Musseveni, Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, kala qeyb galay furitaanka jid halboowle ah oo lagu magacaabo Bariga Afrika, kaas oo ka mid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

no images were found

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online