Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka gobolka Nugaal.

July 25, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Nabadoonada iyo Waxgaradka gobolka Nugaal.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cawil Mataan iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Xusseen Cali Maxamuud, kulanka ayaa ahaa is xogwareysi xaaladda Gobolka iyo guud ahaan Puntland, Iyadoo Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal ay Madaxweynaha iyo xukuumadda uga mahadceliyeen dadaalka Dowladdu ku bixiso nabadeynta Bulshada iyo Shaqooyinka taariikhiga ah ee u qabsoomay Puntland, sida dhismaha Ciidamada, Wadooyinka, dib-u-habeynta maaliyadda iyo hirgelinta dimuqraadiyadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Nabadoonada iyo Waxgaradka doorkooda ka shaqaynta nabadda iyo arrimaha bulshada, isagoo la wadaagay in ay sidoo kale waxgaradku ay kaalintooda ka qaaataan dadaalka Bulsho ee socda ee loogu gurmanayo dadka Abaartu saameysay.

——-DHAMMAAD——
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online