Madaxweynaha Puntland Saciid Claahi Deni oo booqday deegaannada Abaartu saameysay ee Gobolka Nugaal.

July 27, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday qaar ka mid ah deegaannada Abaartu saameysay ee Gobolka Nugaal, wuxuuna u kuurgalay xaaladda nololeed ee dadka reer guuraaga ah iyo kuwa Abaartu kusoo xeeraysay magaalooyinka.
Madaxweynaha ayaa si qoto dheer ugu kuurgalay oo xaalad wareystay dadka Abaartu saameysay ee ku nool deegaanada Xamur, Caano-Yaskax iyo deegannada hoos yimaada oo ka tirsan Gobolka Nugaal, wuxuuna la wadaagay Bulshada uu la kulmay in Dowladdu diyaar u tahay in ay Bulshadeeda la qeybsato wakhtiga adag, sidaa darteedna la dedejinayo Qorshaha gurmad degdeg ah oo dadka loo fidinayo.
Bulshada uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ka mahadceliyay dadaalka Dowladdu wado, lacagtii $1Million ee Dowladdu ugu talagashay gurmadka Abaarta iyo qorsheyaasha lagu qiimeynayo saameynta Abaarta iyo sida ugu fudud ee gurmadka lagu wada gaarsiin karo dhammaan dadka Abaartu saameysay ee ku nool Puntland.
Madaxweynaha waxaa Safarka ku weheliyay Guddiga Abaaraha ee Puntland oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka, Goleyaasha Dowladda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Taliska Qeybta Gobolka Nugaal, Ganacsato iyo Saraakiil Madaxtooyo.
——-DHAMMAAD —-

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online