Xafladda Xilwareejinta Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj ee Gobolka Mudug (Masawiro)

July 23, 2022 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Xafladdaan oo ahayd mid si wayn loosoo agaasimay ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay Gudoomiyihii hore ee Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Mudug Sh. Cawil Axmed Muumin iyo Gudoomiyaha Cusub ee Sh. C/razaaq C/laahi Daahir (Nadaara).

Xafladda ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda Mu’asasada Alminhaaj heer Puntland Gudoomiye Sh. Maxamed Cabdulaahi Cabdille iyo ku xigeenkiisa Sh. Ciise Siciid Maxamed, Madaxda Shuurada ee Gobolka Mudug Wakiilada Mu’asasada ee Degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka Mudug qaybaha kala duwan ee Ducaadda, Culimada, Madaxda Dhaqanka, Haweenka iyo Dhalinyarada.

Gudoomiyihii hore ayaa halkaas kasoo jeediyay warbixin aad u qiima badnayd oo ku saabsan hawlihii u qabsoomay Mudadii uu xilka hayay, waxaa isaguna dhankiisa soo bandhigay qorshayaasha uu xooga saarayo Gudoomiyaha Cusub.

Akhyaartii kasoo qayb gashay Xafladda ayaa dhamaantood waxay bogaadiyeen shaqada mugga leh ee Muasasadu ay u hayso Bulsha waynta Soomaaliyeed, waxayna xoojiyeen muhiimada ay leedahay inaan isku garab sanno wanaagga faafintiisa iyo reebidda xumaha.

Gudoomiyaha Guud ee Mu’asasada Alminhaaj ayaa dhankiisa waxaa uu bogaadiyay Gudoomiyihii hore wuxuuna soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub waxaana uu ku booriyay waxgaradka Gobolka Mudug inay awoodda ugu badan galayaa sidii ay usoo saari lahaayeen culimo xilka dacwadeed dhaxasha ayna ka qayb qaataan Maraakista hawshaas loo aasaasay oo uu ugu horeeyo Markaska Sh. C/qaadir Nuur Faarax Alle ha u naxariistee iyo Markaska Dhismihiisu socdo ee loogu magac daray Sh. C/naasir Xaaji Axmed.

Mu’asasada Alminhaaj ee Gobolka Mudug
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online