Madaxweynaha DFS oo dhagax dhigey dhismaha Kulliyada Sayniska iyo Tiknoolajiyada.[Masawiro]

March 9, 2016 - Written by Editor

dbagaxdb-170x114Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud, ayaa sheegay in horumarinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda ay tahay tallaabada keliya ee Soomaaliya ay kula tartami karto caalamka intiisa kale. Madaxweynaha waxaa uu hadalkan ka jeediyay magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhagax dhigay xarunta Kulliyadaha Sayniska iyo Tiknoloojiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo laga hirgelinayo xaruntii hore ee Kulliyadda Macalimiinta Farsamada.

“Dib u dhiska waddankeena waa waajib ina saaran, mana ahan in horumarkeena aan cid kale ku halayno. Waa wax lagu faano in baaqii aan soo jeediyay ee (DALKAAGA DHISO) uu shaqeynayo oo dad Soomaaliyeed ay u istaageen inay waddankooda dhistaan. Culuunta tiknoloojiyadda waa muhiim waana aasaaska horumarka. Waxaanna Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa tallaabadan lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo adeeggan muhiimka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhiska dalka ka socda ee shacabku ay sameynayaan uu ka mid yahay mashruuc waddo dhererkeeda lagu qiyaasayo ilaa 500 km oo isku xiri doonta Muqdisho iyo Hobyo, kaas oo qeyb ka ah horumarinta kaabeyaasha xeebaha Soomaaliya, noqonna doonta waddadii gu horeysay ee ballaaran nooca loo yaqaano (high way) oo laga fuliyo Soomaaliya, isla markaana aqoonyahanno Soomaaliyeed ay wax ka dhisayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa sidoo kale uga mahad celiyay dowladda Talyaaniga doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaadatey aasaaskii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, haatanna diyaar u ah inay Soomaaliya kala shaqeyso dib u ballaarinta jaamacadda oo dhowaan dib loo soo nooleeeyay.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Drs Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Hawlaha Guud Eng. Saalax Sheekh Cusmaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Axmed Jimcaale.

Madaxdan ayaa khudbadahooda ku xusay in dib u hawlgelinta Kulliyadaha Sayniska iyo Tiknoloojiyadda ay qeyb ka tahay baaqii Madaxweynaha ee ahaa in dib loo soo celiyo hantidii iyo adeegyadii ay lahayd Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa sido kale ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Fabrizio Marcelli iyo marti sharaf kale. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo sannadkii 2013 dib loo hawlgeliyay, ayaa waxay ka kooban tahay lix kulliyadood, waxaana wax ka barta ilaa iyo 750 arday.

no images were found

——————- DHAMMAAD———————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online