Dagaal ka socda deegaanka Miir-Taqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

March 10, 2016 - Written by Editor

dagaalWararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeya ciidamada DFS iyo kooxda Al-Shabaab uu  saaka ka socda deegaanka Miir-Taqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday ka dib markii ciidmo ka tirsan DFS ay weerar ku qaadeen deegaanka Miir-Taqwo oo ka mid ah deegaanada la isku yiraahdo Afarta Tuulo halkaas oo ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan DFS oo la hadlay idaacado ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wili dagaal ka socdo deegaanka deegaanka Miir-Taqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxayna guul ka sheegteen dagaalka socda.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe  ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wadeen deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe  waxayna ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM la wareegeen deegaanada Ceel-Baraf, Caadley, Biyo Cadde  iyo deegaano kale.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online