Wafdi ay hogaaminayaan Wasiirka Arimaha gudaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo tegay Deegaanka Bixin
March 10, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Wafdiga ka socda dowlada Puntland oo uu hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab , Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland ayaa gaaray deegaanka Bixin si ay ugu kuurgalaan xaalada deegaanka.
Wasiirka arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo la hadlay saxaafadda ayaa xusay in xal laga gaaray koontroolka Bixin ayna dowladdu dhamaystitayso howlaha qabyada ka ah Koontroolka ayna shaqo fiican ka socoto.
Wasiirka arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanka Bixin in laga shaqeeyo nabad gelyada wixii dhib ah oo jirna ay dowladdu hadda saxday wixii dhimana la dhamaystiri doono.
Wasiirka arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa kormeeray goobihii lagu sameeyey calaamadaha oo dhamaan ay ciidanka dowladda Puntland ay burburiyeen si looga fogaado in beelaha ay isku qabtaan deegaanada daaqsinka ah haddii lagu sameeyo dhismooyin ama calaamado.
Dhinac kale Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Xaashi iyo xubnaha golaha joogtada ah ayaa iyagu sheegay in dowladda howlihii loo xilsaaray ay ka soo baxday lana burburiyey dhamaan calaamadihii deegaamaynta.
Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Xaashi ayaa uga digay bulshada in ay ku kadsoomaan hagardaamooyin ay wadaan siyaasiyiin wax ka raadinaya in shacabka reer Puntland ay ka dhex abuuraan colaad iyo isku qabsi dhul isagoo sheegay in dhulku ay masuul ka tahay dowladda Puntland.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net