Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse ”ma ah markii ugu horaysay oo Puntland lagu soo duulo.[Dhagayso]

March 17, 2016 - Written by Editor

caddemuuseGaroowe:-Madaxweynihii hore Dowlada Puntland Gen.Cadde Muuse ayaa waxaa markii uga horaysay uu ka hadlay ciidamada Al-shabaab ee yimid xeebta Garacad iyo Nugaal kuwaas oo hadda dagaal ka dhex socdo ciidamada Puntland ee ku sugan Aag Toga Suuj ee ku yaal Gobolka Nugaal halka goobo kale oo ka tirsan xeebta xiririsa Garacad ilaa Nugaal ay isku horfadhiyaan.

Madaxweynihii hore Dowlada Puntland Gen.Cadde Muuse ayaa ugu baaqay shacaba iyo dowladda Puntland in ay isku duubnaadan ayna iska difaacaan kooxda Al-shabaab ee weerarka ku timid deegaano ka tirsan Puntland meeshana laga saaro wax u dhexeeya bulshada reer Puntland
Madaxweynihii hore Dowlada Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa sidoo kale xusay in ay waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland horay loogu soo duulay Puntland oo ilaa 4000 oo ciidamo ah balse ay iska difaaceen ayna baa’biyeen waa sidda uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynihii hore Dowlada Puntland Gen.Cadde Muuse oo wax laga wiidiyey wax ku soo beegay hadda in xeebaha Puntland ay yimaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in laga yaabo in salka uu ku hayo khilaafka u dhexeeya madaxda Soomaalida.

Hoos ka dhagayso waraysiga Madaxweynihii hore Dowlada Puntland Gen.Cadde Muuse

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Gencadde.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online