Dagaal ka socda Togga Suuj iyo Deegaanka Bad-qado oo 40 Km u jirta degmada Godob-jiiraan
March 17, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Puntland oo ay kala hogaaminayo Col.Muxiyadiin iyo Jimcaale ay weerar ku qaadeen Deegaanka Bad-qado oo 40 KM u jirta degmada Godob jiraan uuna hadda ka socdo dagaal la isku adeegsanayo hubka darandooriga u dhaca iyo Madaafiic.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Col. Muxiiyadiin ay saaka ku biireen ciidamo horay u joogay duleedka degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal iyaganoona weerar ku qaaday Deegaanka Bad-qado oo 40 Km oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Al-shabaab.
Dhinac kale warar ka imaanaya Toggaa Suuj oo ka tirsan deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in dagaal uu ka qarxay la islana galay gudaha Togga Suuj lamana yaqaan khasaaraha ka dhalatay maadaama is gaarsiintu ay aad u liidato meelaha qaarna ay ka go’an tahay.
Ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka ee Puntland mana jiro warar faah faahsan oo laga hayo dagaalka socda iyo khasaaraha ka dhashay ilaa hadda.
M_M_Deeq
Halgan.net