Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar C/laahi Farawayne iyo ciidamo la socda oo gaaray Garacad
March 18, 2016 - Written by EditorGaracad:-Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar Cabdilahai Farawayne iyo ciidamo fara badan oo uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd gaaray deegaan xeebeedka Gobalka Mudug gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Garacad. Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar C/laahi Farawayne iyo cidamada uu horkacayo ayaa ahaa kuwii ay xoogga Al-shabaab ay isku fara saareen deegaanka Bali-Badqaba iyagoo gacanta ku dhigay deegaanada lagu dagaalamay sidda saxaafadda ka howl gasha gobolka Mudug ay baahinayso.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar Cabdilaahi Farawayne oo la hadlay dadweynaha ku nool magaalada xeebta ah ee Garacad ayaa u sheegay in dadweynuhu ay is dajiyaan ayna ku kalsoonaadaan ciidamada Puntland. Ilaa hadda lama yaqaan halka ay aadeen xooggagii Al-shabaab ee la dagaalamayey ciidanka Puntland ee uu horkacyey Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar C/laahi Farawayne mana jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab.
M_M_Deeq
Halgan.net