Wasiirka Maaliyadda Puntland oo u kuurgalaya Xaaladda Cisbitalka iyo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.[Masawiro]
March 19, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr C/laahi Sh.Axmed ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka weyn ee magaalada Iyo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Mudane Dr C/laahi Sh.Axmed ayaa booqashadiisa ,waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha gobolka,kan degmada Bosaso iyo xubno kale, wuxuuna horeyn tagay Isbitaalka Bosaaso ,isagoona kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isla markaana xaaladooda ka wareystay bukaanada ku jira Isbitaalka.
Wuxuu booqday oo kale Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso,isagoona la kulmay mas’uuliyiinta isla markaana kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay.
Kormeerka ka dib ayaa Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr C/laahi Sh.Axmed ,wuxuu kulan la yeeshay saraakiisha garoonka ,iyagoona uga warbixiyey xaalada amniga ee garoonka.
no images were found
Waaxda Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda