Madaxwaynaha Jubbaland oo booqday Qooqaani iyo Dhoobleey oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose
March 22, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa safar ku tagay deegaanada Qooqaani iyo Dhoobleey oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose waxaan uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo. Wafdiga Madax weynaha iyo saraakiishii la socday ayaa waxa ay socdaal shaqo oo mudo 2 cisho ah ay ku tageen xarumo ciidan oo ku yaal deegaanada Qooqaani , Taabto iyo Dhoobleey oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose oo fariisamo ay ku leeyihiin ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM.
Wafdiga Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada Qooqaani , Taabto iyo Dhoobley waxaan uu kulamo la yeeshay odayaasha dhaqan iyo bulshada qaybaha kala duwan.
Hoos ka Daawo Madaxweyne Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu soo laabtay
A/cawaale
Halgan.net