Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo wax laga wiidiiyey dagaalkii Al-shabaab iyo Puntland dhexmaray.[Daawo]

March 27, 2016 - Written by Editor

shikhmohmuudGaroowe:-Sh Maxamuud Xaji Yuusuf ahna Gudoomiyaha jaamacadda bariga Afrika faracaeed Garoowe kana mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Garoowe ayaa waxaa wax laga wiidiiyey dagaaladii u dhexeeya ciidanka Puntland iyo Al-shabaab ee ka dhacay xeebaha Gobolka Nugaal iyo Mudug oo socday mudo 6 maalmood ah.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la banaysto dhiiga dadka muslimiinta ah ee umada Soomaaliyeed isagoo Sheeikh xusay in arrintaas ay in mudo ah ka hadlayeen ayna a qabteen in bdan nadwooyin diini ah umadana ay u bayaamiyeen in aysan sina u banaanay in la daadiyo dhiiga shacabka muslinka ah ee Soomaaliyeed.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa xusay in mowqifka diiniga ah ee culimada Soomaaliyeed ay cadeeyeen ayna ka hadlayeen laga bilaabo 2006-dii iyagoo ka digay in dagaal lagu iclaamiyo shacabka muslinka ah ee Soomaaliyeed oo iyagu u heelan in ay si dhib yar ku qaataan shareecadda Islaamka ama loo fahamsiiyo.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa ku tilmaamay duulaanka Al-shabaab ay ku soo qaadeen xeebaha Mudug iyo Nugaal uu yahay mid aan sax ahayn isagoo Sheekhu uu xusay in culimada mowqifkooda ay cadeeyeen xili ururka Al-shaabaab ay dilal qorshayn ay ka fulinayeen magaalooyinka waawey ee Puntland ilaa markii danbe oo ay culimadii ugu muhiimsanaa dalka Soomaaliya ay amniyaadka Al-shabaab ay ku dileen iyagoo salaad ku dhex jira sida Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax allah u naxariistee halka Sh Dr axmed Xaaji C/raxmaan ay ku dileen Boosaaso isagoo sooman soona tukada Salaadii subax.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in duulaanka Al-shabaab ee deegaanada Puntland uu u jeedkiisu ahaa in nabagelayada iyo amniga la wiiqo si  ciidanka AMISOM loogu soo raro Puntland si dalka inta ka nabad gashay ciidamada shisheeyey u yimaadaan arrintaas oo ah mid
u jeedo guracan laga lahaa.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in xubnaha Al-shabaab ee lagu qabto dagaalka ay yihiin muslimiin lana doonayo in loola dhaqmo sidda shareecadu qabta , la daweeyo si wanaag sana loola dhaqmo qofkii laga qabtana lama siidayn karo ilaa dagaalku dhamaado oo laga aamin hellayo.

Ugu danbayntii ayaa Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaa uu ku waaniye xubnaha Al-shabaab ee dagaalka ka wada deegaanada Puntland iyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya in ay alle u towbada keenaan ay ka digtoonaadaan in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo laga waraystay Tv-ga Puntland ee Garoowe

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online