Isku soo bax lagu taageerayo ciidanka Puntland oo ka dhacay degmada Qardho.[Cod/Masawiro]

March 24, 2016 - Written by Editor

DSC08234Qardho:-Waxaa saaka ka dhacay  magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar isku soo bax balaadhan oo lagu taageerayo guulaha ay ciidanka dowladda Puntland ay ka gaareen dagaaladii ay kula galeen ciidanka ururka Al-shabaab deegaanada kala ah Togga, Suuj, Garmaal iyo Godobjiiraan ee Gobolka Nugaal iyo deegaano xeebta ah ee ku xeeran magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.

Isku soo baxaan ayaa waxaa dadweynaha la hadlay maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada waxaan dadweynuhu iskugu soo aruureen barxada weyn ee u dhexeysa Madax tooyada iyo xarunta Dowlada Hoose ee degmada Qardho. Gudoomiyaha degmada Qardho ayaa waxaa uu mahad celin u jeediyey dadweynaha isku soo baxay waxaan uu xusay in lala socdo dadka aan la aqoon ee yimaada magaalada Qardho iyo degmooyinka kale ee ku xeeran laguna soo wargeliyo ciidanka amniga.

Gudoomiyaha degmada Qardho in ay ka fiirsadaan dadka ay ka kiraynayaan Hotelada iyo weliba guryaha cid walba oo laga shakiyana lagu wargeliyo laamaha amaanka,Isku soo baxaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa ka dib markii maalin ka hor ay cutubyo ka titsan iidanka Puntlad oo ka qayb galay dagaalkii ka dhacay Togga Suuj, Garmaal iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ay dib ugu soo laabteen magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Dhinac kale gudoomyaha Gobolka Karkaar ayaa sheegay in dagaalka wajigiisa koowaad uu dhamaaday hadda loo gudbiyo wajigii labaad oo ah in laga hortago xubno ka tirsan Al-shabaab in ay soo galaan deegaanada Puntland si ay dilal uga geystaan ama qaraxyo

Ugu danbayntii gudoomyaha Gobolka Karkaar ayaa xusay in ururka Al-shabaab aysan qabsan karin Puntand balse ay doonayaan in ay amniga khalkhal galiyaan si nabadgelyada ay wax u dhimaan taasna ay dhici doonin oo shacabka ay ku kal soonyihiin dowladda iyo ciidanka Puntland.

no images were found

Hoos ka Dhagayso isku soo bixii ka dhacay magaalada Qardho ee xaruta Gobolka Karkaar

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/dibad-baxa.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online