Al-minhaaj oo arday ku imtixaanay Kitaabkii ugu horeeyey ee xifdul-mutuun.[Masawiro]
March 27, 2016 - Written by EditorGaldogob:-Galabnimadii khamiista oo ku beegnayd 24/3/2016 ayaa ku dhowaad 130 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho waxay imtixaameen kitaabkii koowaad ee mashruuca barakaysan ee xifdulmutuun. kaas oo looga gol leeyahay in dhalinta wax barataa ay ka dhismaan aasaaska barashada diinta islaamka.
Mashruucaan oo ay isku dubariday Al-minhaaj Galdogob ayaa diirada saaraya ardayda Macaahida, iskuulada iyo jaamacaadka waxaana qorshaysan in aradaydu sanadkaan ku xafidaan in ka badan 10 matni oo funuunta kala duwan ah.
Faniga tajwiidka oo loo doortay in lagu bilaabo mashruucaan ayaa waxaa dhamaaday matnigii koowaad oo ah kitaabka tuxfatul-adfaal, waxaana isla galabnimadii ku xigtay ee jimcaha bilowday matnul-jazariya, ka dibna waxaa looga weecan doonaa inshaa allaah fanni kale.
Ugu danbayn mashruucaan ayaa garab socda xalaqaadka masaajida ka baxa maalmaha khamiista iyo jumacada wuxuu gaar la yahay in xooga la saaro xifdiga iyo fahamka oo wada socda.
no images were found
Mu’assadda Al-minhaaj
Galdogob, Halgan.net