Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo shirjaraa,id ku qabtay Garoowe.[Dhageyso]
April 12, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana uu soo bandhigay qaabka loo sugayo amaanka deegaanada Puntland ka dib dagaaladii sida xun loogu jabiyey kooxda Al-Shabaab ee ka soo degay xeebaha Mudug iyo Nugaal.
Wasiirka Wasaardda Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in qofwalba oo ku nool ama soo galaya Puntland in waajib tahay in uu qaato dukumtiga ama kaar aqoonsi isla markaasna uu helo qof damiinta.
Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sidoo kale ka hadlay kireynta Hotelada iyo guryaha wuxuuna sheegay in ay soo marayaan xafiis loo samaynayo xarunta xaafada, si loo hubiyo cida degayso guryaha iyo Hotelada.
Wasiirka Wasaardda Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sidoo kale ka hadlay dadweynaha iyo gawaarida isaga goosheysa deegaanada Puntland wuxuu sheegay in waaran uu ku qaadayo rakaabka kuna dajinayo la siin doono darawalada aysana dhici doonin gaari dad iska qaada meeshuu rabana ku dajiya.
Dadweynaha ku dhaqan reer Puntland ayaa siweyn u soo dhaweeyey sharciyada cusub ee lagu sugayo amaanka deegaamada Puntland.
Hoos ka dhageyso Wasiirka Wasaardda Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo shirjaraaid ku qabtay Garoowe.
M_M Deeq
Halgan.net
Garowe