Nadwadii ka socotay Masjidka Al-rowda Bosaaso oo gashay Habeenkii 2aad Iyo Darsigii Sh.C/naasir Xaaji Axmed.[Masawiro/Video]
April 16, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa habeenkii labaad galay nadwa cilmiyeedkii kasocotay magaalada bosaso xarunta gobolka bari gaar ahaan masjidka al rowda,cinwaanka muxaadarada ayaa ahaa “ Akhlaaqda xun iyo muuqaaladeeda dhan bulshada ka dhexjira “ waxaana soo jeedinayay Sh.Cabdinasir Xaaji Axmed. Sheekhu inta aanu muxaadarada guda galin waxa uu si kooban uga hadlay akhlaaqda wanaag san iyo faa’iidooyinka laga helayo , isagoo sheegay inay umaddu hagaagayso haddii ay akhlaaqdeedu wanaagsantahay kana badbaadayso halaagga iyo burburka.
Hoos ka Daawo Nadwadii 14 aad Ee Bosaaso Iyo Muaxadaradii Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed
Dhinac kale sheekhu waxa uu sheegay waxyaalaha akhlaaqda fasaadiya inay ka mid tahay sinada isagoo sheekhu ka hadlay in shareecadu ka digtay wax alla wixii soo jiidaya macaasidaas ama sababi kara sida fiirada aan bannaanayn ,daawashada aflaamta aan banaanayn. Intaas ka dib wxaa la galay Qaybtii Fataawaha Ama Su’aalaha Iyo Jawaabaha waxaana ka qayb qaatay Culimada kala ah:-
no images were found
1. Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf
2. Sh.Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf
3. Sh. Dr Axmed Jaamac Ismaaciil.
Hoos ka Daawo su’aalaha ay culimada ay ka jawaabeen ayna soo gudbiyeen dadweynaha
Mu’assadda Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net