Imaankii Masjidka al-Nabawi Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub oo geeriyooday
April 16, 2016 - Written by EditorALLAHA u naxariistee waxaa maanta geeriyooday magaalada Madina ee dalka Sacuudi carabiya Imaankii Masjidka al-Nabawi Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub, Allaha u naxariistee Sheekhu waxaa uu ku dhintay 64 sano jir sidda ay sheegtay wakaaladda wararka ee sacuudiga. Allaha u naxaristee Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub ayaa ahaa Sheekh dunida Islaamka aad looga yaqaan waxaan Sheekha uu ka bartay diinta Iyo Quraanka Sh Jaliil Cabdirahman waxaa uu ku dhashay magaalada Makkah sannadkii 1372 Hijriyada oo ku beegan 1952-dii isagoo 1999 noqday Imaanka masjidka Nabawi.
Allaha u naxaristee Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub ayaa waxaa uu cilmiga ka qaatay culimo waaweyn oo laga xusi karo Sh Maxamed Amiin Shanqiidi, Sh Cabdi Muxsin Cabaad iyo culimo kale oo waaweyn waxaan Sh maxamed Ayuub ka mid ahaa culimada dhinac quraan ugu horeeya dunida Islaamka. Allaha u naxaristee Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub ayaa waxaa lagu aasay Qubuuraha loo yaqaano al-Baqiic waxaan duugtiisa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan halka boqolaal kun oo kale ay baraha bulshada ku qoreen caalimka quraanka Sh Maxamed Ayuub in uu geeriyooday.
Hoos ka Daawo أمنية الشيخ محمد أيوب قبل وفاته | اللهم اغفر له وارحمه
Hoos ka Daawo الآلاف يشيعون جنازة الشيخ محمد أيوب إمام المسجد النبوي
تشييع جنازة الشيخ محمد أيوب 1437 ، صور جنازة الشيخ محمد أيوب 2016 ودفنه في البقيع
A/cawaale
Halgan.net