Ciidanka amaanka Gobolka Karkaar oo qabtay lacag gaaraysa 1 Bilyan oo shilin Soomaali ah.[Masawiro]
November 12, 2020 - Written by EditorQardho:-Ciidanka Amaanka Gobolka Karkaar ayaa habeenimadii xalay waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigay lacag ku dhaw 1 Bilyan oo shillin Soomaali ah iyo gaarigii waday.
Lacagtaan ayaa laga soo qabtay deeganka Alxamdullilah oo ka tirsan degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar, waxaana si sharci darro ah lagu gallin lahaa magaalada Boosaso ee Gobolka Barri.
Guddomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Siciid Maxamed Faahiye iyo Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan ayaa si wadajir ah ugu mahad celiyay ciidanka hawlgalkaan fulliyay, waxa ayna sheegeen in dawladdu ay xakameyn doonto lacagaha kaashka ah ee dalka soo galaya, si loo yareeyo sicir bararka lacagta shillinka Soomaliga ah oo mudooyinkii danbe shacabku si weyn uga cabanaayen.
no images were found
=DHAMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA KARKAAR.