Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay xaflad Maalinta xorriyada qaateen Gobollada Koonfureed

July 1, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo la xusayo sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyada qaateen Gobollada Koonfureed ee dalkeena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo Calanka saaray saacadu markay ahayd 12:00, Kadibna wuxuu ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo iyo guud ahaan todobaadka xorriyada dalkeenna, oo ah taariikh u baahan in wax laga barto halgankii laga soo maray xorriyada, midnimada Iyo Dowladnimada.

Waxaa Madaxweynaha Munaasabadda ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada iyo marti sharaf kale.

———DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online