Golaha isku taga Masaajidda ee Waqooyiga Maraykanka oo hambalyada ciida diraya
August 19, 2012 - Written byGoluhu wuxuu hambalyo u dirayaa umada islaamka ah,gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool,wuxuuna ugu hambalyey nayaa soo galiada ciidul-fidriga,wuxuuna illahay uga baryayaa in ciidaan ciideeda kale umada islaamka ah ku gaarsiiyo baarwaaqo iyo bash bash. Goluhu wuxuu u dar daarmayaa Umada islaamka ah guud ahaanteed,inay illaahay u soo noqdaan,kuna toosnaadaan ku dhaqanka diin tooda toosan,kana run sheegaan islaamka ay unasab sheeganayaan.
Goluhu wuxuu si gaar ah ugu dar daar mayaa jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa,inay diintooda ku dhaganaadaan,iskana ilaaliyaan dhaqamada aan islaamka ku salaysnayn ee ay ku dhaqmaan dadyowga ay la noolyihiin ee aan muslimiinta ahayn.
Goluhu wuxuu sidoo kale u dar daar mayaa Soomaalida gud ahaanteed,inay ku dadaalaan midnimadooda,kana fogaadaan waxyaabaha dhaawacaayo midnimada umada,sida cudurada lagu ibtileeyay dad badan oo soomaaliyed oo uu ugu waynyahay (QABYAALADA)IWM.
Goluhu Wuxuu udar daar mayaa Umada Islaamka ah Gaar ahaan umada soomaaliyeed inay sii wadaan cibaadadii iyo dadaalkii la soo waday,bishii ramadaan,oo aysan naga noqon wax un ku ekaa bisha ramadaan.Maxaa yeelay ilaaha aan caabudno bisha ramadaan,wuxuu naga doonayaa inaan marwalba caabudno intaan nool nahay.hadii kale cibaadadii waxay naga noqonaysaa mid ramadaan ku ekayd.
Goluhu Wuxuu udar daar mayaa jaaliyadaha soomaaliyeed ee qurbaha ku nool inay ku dadaalaan ku xirnaanta,Masaajida iyo maraakista dacwada ee ka dhisan goobaha ay daganyihiin,caruurtana lagu tarbiyeeyo ku xirnaanta masaajida iyo maraakista islaamiga ah,Maadaama qurbuhu qatartiisu badantahay,Inta badan Qoysaska bad baado, caruurtana u bad baado waa kuwa kuxiran masaajida.
Goluhu wuxuu si gaar ah ugu dar daar mayaa dhalinyarada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha,inay ku dadaalaan barashada cilmiga sharciga ah.Kana qaataan culimada lagu kal soonyahay manhajkooda iyo tarbiyadooda,waana inay dhalinyaradu iska ilaaliyaan manaahijta qaloocan.
MAAMULKA SHUURADA IYO TANFIIDKA EE
GOLAHA ISUTAGA MASAAJIDA EE W/MARAYKANKA.
SH/ABDIRAHMAN SH OMAR & SH/ABDULLAHI ABUL-FADLI