Wakiilada Midowga Afrika, QM iyo IGAD oo Sheegtay Xiliga ay ku Egtahay DFKM .
August 19, 2012 - Written byMuqdisho:-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga , Wakiilada Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka, Britain,Midowga Yurub, Talyaaniga, Norway, iyo Turkiga, oo Muqdisho maanta soo gaaray ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ugu tagay, Madaxweynaha dowladda Shariif Sh. Axmed, Ra’isul Wasaaraha C/wali Maxamed Cali, Guddoomiyaha baarlamaanka, iyo xubno ka mid ah wasiirada.
Kulanka, ayaa waxa uu ku saabsanaa waqtiga kala guurka ah, iyo doorashooyinka la filayo dhawaan inay ka dhacaan Muqdisho, iyadoona markii uu kulanku dhamaaday saxaafadda ay la hadleen wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, iyo wakiilka Midowga Yurub.
Augustine Mahiga , ayaa sheegay in berri uu dhici doono kulankii ugu horreeyey ee baarlamaanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in AMISOM ay sugi doonto ammaanka, isla markaasna aan la aqbali doonin xubnihii galista baarlamaanka laga hor-istaagay inay carqalad sameeyaan.
Wafdiga beesha caalamka ka socday, ayaa sheegay in berri uu ku ‘egyahay waqtigii dowladda KMG Soomaaliya, isla markaasna ay dhiirri gelinayaan in howlaha dhiman si dhaqsiyo leh loo qabto.
Imaanshiyaha wafdigan caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili berri uu ku ‘egyahay waqtigii horey loogu balamay in Soomaaliya looga saarayo Ku meelgaarnimada, iyadoona hadda Soomaaliya ay leedahay Dastuur, iyo Baarlamaan soo dooran doona guddoonka baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka.
Somalireal+Halgan.net
Nairobi