Xiisado dagaal oo laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose
August 25, 2012 - Written byAfmadow:-Wararka caawa naga soo gaaraya gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in maanta ilaa shalay ay xiisad kacsanaan ah ay ka jirto furimaha dagaalka ay isku horfadhiyaan ciidamada Ururka Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta oo ay taageereyso dowlada Kenya.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ah ee wada socda ayaa waxay diyaargarow ka wadaan duleedka Degmada Afmadow halka kuwad Al-Shabaab ay difaacyadood ay adkeysteen waxaana soo gaaray ilaa saaka ciidamo gurmad ah oo ka yimid magaalada Kismaayo .
Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo oo aan khadka Telka kula xiriirnay ayaa caawa noo sheegay in magaalada ay degan tahay aysana ka jirin wax cabsi ah waxaa kale oo uu beeniyey in ciidamada Al-Shabaab ka baxeen magaalada sida ay qoreen qaar ka mid ah Mareegaha Soomaaliyeed.
Wararka aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada DFS ,kuwa Raaskaambooni iyo ciidanka Kenya ee iskaashanaya ay wadaan diyaargaro gudaha Afmadow .
Mar aan caawa Khadka Telka aan kula xiriirnay ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Afmadow ayaa waxaa uu noo sheegay in ciidanka huwanta badankiis galabta ay ka dhaqaaqeen ayna u guureen duleedka magaalada Afmadow.
Guddoomiyaha Ururka Al-shabaab ee gobalka Jubada hoose Sh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in ay ka warqabaan dhaqdhaqaaq ciidamada huwanta waxaana uu sheegay in ay ku fashilmeen in ay wax horumar ah ka gaaraan dagaalka ka socda gobalada J/hoose iyo Gedo.
A/Cawale
Halgan.net