Ciidamo ka socod dalka Burundi oo soo gaaray Muqdisho
August 28, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ciidamo ka socoda dalka Burundi oo tiradood lagu qiyaasay ilaa 800 askari kuwaas oo ku biiri doono ciidanka AMISOM eek u sugan magaalada Muqdisho Ciidanka saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo in mudo ah ay tababaro kale duwan ay siinayeen Saraakiil ka tirsan EU iyo Maraykanka waxaan ciidamadaan lagu soo gurayo Soomaaliya ay yihiin kuwa dowladda soo diray ay dhaqaalo uga raadinayaan reer Galbeedka.
Sarkaal u hadlay ciidanka AMISOM ayaa sheegay in ciidamadaan maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ay ka qayb qaadan doonaa dagaalka ay ciidanka AMISOM kula jiraan ururka Al-shabaab iyo howl galada la doonayo in lagu sugo amaanka magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan Ajnabiga ah ee lagu soo gurayo dalka Soomaaliya ayaa waxa sababta koowaad u ah khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaalida iyo hishiis la’aanta ka dhex taagan ilaa intii ay dhacday dowladdii Maxamed Siyaad Bare.
A/cawaale
Halgan.net