Al-shabaab oo uga digay dowllada Jabuuti in ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya
December 16, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxda Ururka Al-shabaab ayaa digniin u diray dowllada dalka Jabuuti iyagoo uga digay in ciidamo ka socda dalka Jabuuti ay u soo diraan dalka Soomaliya gaara ahaan caasimada Muqisho,ururka Al-shabaab ayaa ugu hanjabay dowllada Jabuuti haddii ciidan ay leeyihiin ay ku soo biiriyaan ciidanka AMISOM ay la dagaalmi doonaa. Dowlladda Jabuuti ayaa waxaa ay usbuucii hore ay sheegeen in ciidamo ka socda dalkooda ay ku soo biiri doonaa ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in tirada ciidanka Jabuuti ee imaan doona magaalada Muqdisho in ay gaarayaan ilaa 850 askari.
Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay saxaafada ku hadasha afka ururka Al-shabaab ayaa uga digay in dowllada Jabuuti in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya haddii ay u soo diraan ciidamo ay dagaalka ay kula jiraa ciidanka AMISOM ay ku soo biiri doonaa.
Dowladda Jabuuti ayaan ilaa hadda ka hadal codsiga iyo goodiga uga yimid ururka Al-shabaab ee ku aadan ciidanka ay doonayaa dowllada Jabuuti in ay u soo diraan magaalada Muqdisho si ay u xoojiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM ee hadda ku sugan magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net