136 Arday oo ka qalinjabiyay Markaska Khadiija Bintu Khuweyla ee Magaalada Laascaanood.(Daawo)

August 6, 2012 - Written by

Laascaanood:-Aradaddan qalinjabisay Oo tiradoodu oo ahayd 136″araday   ee xaflada Loo sameeyay aradan ka baxaysa Markaska dacwada iyo hanuunita ee khadiija binti khuwayla” ayaa waxa ay tahay Difcadii lixaad ee kabaxda markaskan.

Markasakan oo la aas aasay 2006. Aradadda  haatan dhiagataa oo Tiradoodu Tahay  1226″araday waxa uuna mrkaskani ka kooban yahay laamo kaladuwan,Oo lagu Soo saaro ardadda Cusub ee bilaabaysa Barashada Diinta. Xafaladaas ayaa waxa ka sooqaybgalay waalidiin maamulka marakasaka Culimada G\sool ugu horayn waxa halkaas lagu furay aayadaha quraamka kariimka Oo uu akhrityay araday kamida aradadda kabaxaday,Markaska waxaa  siwayn ay ula qushuuceen Kaqayb galyaashii ayaadkii uu akhriyay ardaygaasi.

Waxaa isna halakaas kahadalaya maamulaha markaska dacwada iyo hanuunita ee khadiija binti khuwayla Sh Xuseen Maciln Ibraahim Maxamed Oo ka hadalay markaska iyo aradadda dhigata waxa uuna halakaas ka sheegay maamuluhu in macadka ay hadad higtaan ardo farabadan uu siiyo markasku barashada diinta islaamka iyo sunada Toosan ee rasuulka NNKH.

no images were found

Maamulka Markazka Khadiija Binti khuwayla ayaa ka hadlay Fidinta Cilmiga sharciga ah’iyo ladagaalanka aqoon la’aanta iyo ahmiyada  Soo saarida Daaci ama Daaciyad Xanbaarsan Kitaabka ilaahay iyo sunada nenbiga NNKH Ladagaalanka iyo khuraafaadka iyo fahanka qaldan iyo shacabka Oo toos loogu xidho Allaah.

Sidoo kale mamaualaha ayaa waxa uu halkaas ka sheegay caqabadaha waxayaalaha uu u baahanyahay markaska dacwada iyo hanuunita ee khadiija binti khuwayla ee magaalada laascaanood. waxa uu mamaulku Codsaday in macahdaka ay taageeraan walaahah muxsiniinta ah ee hore u dhisay macadka waxa uu hada ubaahan yahay qalabka kuraas.miisas.computaro dhamaan adeeg yadii goob waxbarasho baanu u baahanahay in lagacaawiyo markaska ayuu yidhi maamuluhu.

Waxaa isna halakaas kahadalay Macalin Jaamac Yaasiin Warsame Oo ku dheeraday qiiamah waxabarsahad iyo aradaddan ay wax soobarteen waxa uuna macalin ku sigaara ugu guubaabiyey barashada cilmiga Sharciga  wuxuuna  yidhi waxa aad haysataan fursad aan hablihii hore haysan maanta waxa aad waxubaranaysaan sida wiilashu wax ubartaan markaa waxa aan halkan oga mahad celinaynaa dadkii dadaalka ku bixiyay inaad halkan maanta soogaadhaan,

Aradadda ayaa waxa ay halkaas ku soo bandhigeen waxayaabihii ay soo qaateen Gabayo kitaab ay halkaas ka akhriyeen waxana aradaddu soo bandhigeen cilmi aad u qiimo badan iyo qiimaha ay waxabarashadu leedahay waxa ayna soojiidatay dhamaan ka qayb galayaashii madashaas fadhiyay ardaddaas Cilmigooda.

 

Gabagabii waxaa halkaas kahadlay Sheekh Maxamuud Xaliike  wuxuuna ka hadlay waxyaabo farabadan oo dhanka aradadda iyo waalidiinta ah waxa uuna sheekhu ladardaarmay ardadda Oo uu yidhi waa inaad u baarinimo Samaysaan waalidkiin waayo waalidka Oo loobaari noqdaa waxa aad wanaag ka helaysaa ilaah aduunka iyo aakhirona waxa aad ku noolaanysaa Cisi iyo sharaf.ardaddana waxa aan leeyahay buuyidhi sheekhu waxa aad haysaan furayaashii waxbarashada markaa ku dadaalad barshada Diinta islaamka iyo Kor u qaadisteeda.

Halgan.net
Somali channel
Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online