Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay magaalada Marka

August 27, 2012 - Written by

Marka:Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta  gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay goordhaw la wareegeen magaalada Marka ee xarun ta gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo wata gawaari badan oo kuwa gaashaaman ah ayaa saaka duulaan ka soo qaaday  deegaanka Number-60 waxaana u suurto gashay in ay si nabad galyo ah ku qabsadaan deegaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose .

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur oo goordhaweyd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada DFS oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM ay la wareegeen Degmada Marka oo ay in ka badan 3 sano ay ka talinayeen Ururka Al-shabaab.

Intii aan magaalada Marka aysan qabsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa  magaalada Marka waxaa xukun dil ah ku fuliyeen ururka al-shabaab iyaga oo toogtay ilaa 3 qof oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jasuusiin .

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Saraakiisha Ururka Al-shabaab oo ka hadlay dagaalada ka dhacay maanta gobolka Shabeellaha Hoose

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online