Mutamarkii Islaamiga ahaa oo maanta ka bilaabanaya Minneapolis Convention Center.

August 31, 2012 - Written by
 Mahad oo dhan waxaa iska leh ALLAAH, naxaris iyo nabad gelyana nabigeenii suubana dushiisa ha ahaato, ahelkiisa, asxaabtisa iyo dhammaan intii wadadiisa raacdayba. Waxaan bulshada muslimka ah ee ku dhaqan gobalka Minnesota iyo waliba USA, ugu bishaaraynaynaa inuu kulan diimeedkii 12aad ee uu qaban jiray Masjidka abuubakar As-sadique Islamic center iyo Majliska imaamyada soomaali yeed ee waqooyiga  ameerika , ayaa bilaami doona maanta oo ay taariikhdu tahay bishaan August 31.September 1,2 ee sannadkan 2012. Waxuuna ka dhacayaa goobtii uu horay uga dhicijiray ee ahayd Minneapolis Convention Center.
Waxaa soo gaadhay Minneapolis hordhicii culumada. Waxaa soo galay Sh. Maxamed Idris, Sh. Axmed Nuur, Sh.Khadar Jamac Cumar, Sh.Mustafa C/raxman Kaafin, Sh. C/khaaliq Jamac Ismacil Mire iyo culumo kale. Waxaa kale oo wali la dhawrayaa qaar badan oo kamida culumda mu’tamarka ka qayb galilahayd.
Macalin. Hambaase
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. salaamun calaykum, toos ma u soo deynaysaan sida tafsiirka?
    jazakumullah

Leave a comment

*