Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile oo ka tanaasulay xilka gudoomiya baarlamaanka DFS

August 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay kulan isigu yimaadeen xidhibaanada baarlamaanka DFS waxaana halkaas khudbado kala duwan ka jeediyey musharaxiinta u taagan jagada gudoomiyaha baarlamaanka DFS .

Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagnaa jagada guddoomiyaha barlamaanka ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay in uu u tartamo jagada Gudoomiyaha baarlamaanka DFS.

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa shir gudoominayey kulanka ay yeesheen  Xildhibaanada Baarlamaanka kaas oo ka dhacay  xarunta School Polizio waxaana soo xaadiray kulanka  ilaa 190-xildhibaan

Waxaa isugu soo haray hatan xilka musharaxnimada guddoomiyaha barlamaanka DFS musharaxiinta kala ah

1) Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari

2) Prof. Cali Khaliif Galayr

3) C/rashiid Xiddig

4) Cabdi Xaashi Cabdullahi

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online