Ra’iisul Wasaare Gaas oo Dadweyne ah Kula Tukaday Salaadii Ciidul Fitriga Masaajidka Isbahaysiga

August 19, 2012 - Written by

Muqdisho Axad, 19, August, 2012….Ra.iisul wasaaraha Soomaaliye Dr. Cabdi weli Maxamed Cali ayaa kala qayb galay Masaajidka Isbahaysiga Salaadii Ciida xubno ka tirsan Golihiisa Xasiirada, Xildhibaanada cusub, Odayaasha Dhaqanka, Safiiro, Saraakiisha Ciidanka Qaran, Saraakiisha Amisom iyo Dadweyne aad u faro badan. Masaajidka Isbahaysiga oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo tukaday dadweyne aad u faro badan taasina waxay cadaynaysaa halka uu marayo amniga magaalada muqdisho iyadoona ay san suurta gal ahayn Ciidaan tii ka horaysay in ay ku tukadaan Madaxda Qaranku masaajidka isbahaysiga sababo xaga amaanka awgeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Salaada kadib u tahniyadeedyey dadweynihii ku tukanayey masaajidka isagoona safaf dhaadheer oo ay ku jireen dadku mid mid u salaamayey, waxaana uu Ra’iisul wasaarahu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey iney u dhalato dowlad rasmi ah dhamaadka bishaan taas oo hada dhismaheedii marayo meel gabagabo ah.

no images were found

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada xildhibaanada cusub iyo dadweyne faro badan ayaa isugu yimid hoygiisa waxaana halkaas laysugu marxabeeyey farxda Ciida iyadoona miisaska ay safnaayeen waxyaalaha macamacaanka sida Xalwada, Buskutka, Doorshaha, iyo Cabitaano kala duwan waxaase in la xuso mudan oo meesha ku cusbaa miraha Yicibta la yiraahdo kuwaas oo ka baxa Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

>>>>>DHAMAAD<<<<<

 

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online