Ra’iisul wasaarihii dalka Suuriya Riyaad Cabdi Ra,uuf Xijaab oo Urdun U goostay

August 6, 2012 - Written by

Syria:-Raisulwasaarihii dalka Suuriya Riyaad Cabdi Ra,uuf Xijaab ayaa u  goostay maanta dalka Urdun ka dib markii uu si dhuumaalisi ah uga baxsaday dowlada Suuriya waxaana socdaalkiisa ku weheliya Masuuliin ka tirsan wasaaradaha  Batroolka iyo cimilada.

Raisulwasaarihii dalka Suuriya Riyaad Cabdi Ra,uuf Xijaab ayaa waxaa kale oo baxsadkiisa ku weheliya 10 ka mid ah qaraabadiisa ;Mr Xijaab ayaa waxaa xilka Raisulwasaare u magacaabay Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Asad. Ciidamada Dowlada dalka suuriya ayaa shalay ilaa saaka waxay baadigoob ugu jirtay in ay helaan  Raisulwasaarihii dalka Suuriya Riyaad Cabdi Ra,uuf Xijaab balse kuma aysan guuleysan waxayna ciidamada aad uga raadiyeen deegaanka uu ka soo jeedo Dayr Zuur.

Taleefishinka xukuumada Suuriya ayaa waxaa laga sii daayey  warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Asada kaas oo xilka looga qaaday Raisulwasaarihii dalka Suuriya Riyaad Cabdi Ra,uuf Xijaab . Afhayeen u hadlay Raisulwasaarihii hore ee dalka Suuriya Riyaad Cabdi Ra,uuf Xijaab ee u baxsaday dalka Urdun oo la yiraahdo magaciisa  Maxamed Cadhri ayaa xaqiijiyey in Raisulwasaarihii Suuriya uu joogo Urdun uuna ku biiray kooxaha kacdoonka ka wada Suuriya .

Maxamed Cadhri ayaa sidoo kale sheegay in Raisulwasaarihii dalka Suuriya Riyaad Cabdi Ra,uuf Xijaab uu la hadli doono dhawaan saxaafada uuna ka warami doono sababihii ku kalifay in uu ka goosto dowlada Suuriya ee uu madaxa ka yahay Bashaar Asad.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online