Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir oo dil ku sigtay

August 2, 2012 - Written by

Muqdisho:-Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa saaka ka badbaaday qarax miino oo loo dhigay wado aan ka fogeyn hoyga uu degan yahay sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Jen. Axmed Xasan Maalin Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir .

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa qeyb ka ah howlgalo ay DFKM kula dagaalameyso kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab oo inta badan dilalka ka geysta magaalada Muqdisho waxaana ay hay,da Nabad sugida ee DFKM ay ku qabatay magaalada Muqdisho dad oo ay ku tuhunsan tahay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Jen. Axmed Xasan Maalin Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ruux qirtay in uu dhigay miinada lagu khaarajin lahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg

Jen. Ahmed Maalin ayaa sidoo kale sheegay in ruuxa miinada dhigay laga soo diray degmada Huriwaa wuxuuna sheegay in ku qabteen Remote Koontarkii uu ku hagayey miinada .

Ma jiraan war ka madax banaan sheegashada Jen. Ahmed Maalin  mana jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay qaraxa lagu weeraray Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online