Tartankii Quraanka Kariimka ee Bisha Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyey Qardho.(Dhagayso)

August 8, 2012 - Written by

Qardho:-Xaflad Lagu qabtay Masjidka Cumar Binu Khadaab ee magaalada Qardho ayaa arday tiradoodu gaareyso 26 ardey oo ka kala socda 13 dugsi quraan oo ku yaala magaalada Qardho lagu gudoonsiiyey hadiyado qaali ah oo ay ugu tala galeen Gudiga Dacwada Magaalada Qardho oo soo qaban qaabiyey Tartankan. Xaflada ayaa waxaa hadalo qiimo badan ka jeediyey Sheekh Xasan Bookh oo ku booriyey bulshada iney bartaan quraanka kuna dhaqmaan maxaa yeeley buu yiri Sheekh Xassan Bookh soomaaliya waxey kow ka tahay wadamada ay dadkooda xifdisanyihiin Quraanka Kariimka waxaana jeclaan lahaa buu yiri Sheekhu in sidoo kale lasameeyo Tartan ay ku tartamayaan dadka waa weyn.

Hoos ka dhagayso kalimadii Sheekh Cali Maxamed Cali

[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/197j3px2re/kalimadii_sh_cali.mp3]

Hoos ka dhagayso kalimadii Sheekh Xassan Bookh

[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/7637q3082z/kalimadii_sh_xasan_bookh.mp3]

Waxaa sidoo kale hadalo dhaxal gal ah meesha ka soo jeediyey Guddoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid oo sheegey in quraanka barashadiisa iyo baristiisaba ay fadaa’il badan leedahay sidaa daraadeed macalimiinta iyo waalidiinta ay ku dadaalaan sidii ardey quraanka xifdisan u soo saaraan Quraankana uu yahay dastuurkii uu ilaahey u soo dajiyey umadan Muslimka ah .

Hoos ka dhagayso kalimadii iyo Sheekh Cali Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid

[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/h3hnjd68rx/kalimadii_guddoomiyaha_maxamed_siciid.mp3]

 

Hoos ka dhagayso Natiijadii Tartanka Sheekh Cali Maxamed Cali

[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/v3k9w66k1b/qeybintii_jawaa_ista.mp3]

 

Waxaa kale oo xusid mudan in kalimad uu jeediyey Macalin Axmed Mukhtaar Yemeni oo ku hadlay Gudigii Taxkiimka ee xukumayey Tar tanka wuxuuna Macalinku bulshada u sheegey iney cadaalad sameeyeen laakiin waxaa laga yaabaa buu yiri macalin Yemeni in qofka uu u qaato qof inuu kow yahay laakiin qofkii uu kaalimaha gadaal uu tago maxaa yeeley waxa la fiirinayo ee la xukumayo waa Xifdi, Tajwiid, Rujuuc iyo wax yaabo kale oo badan sidaa daraadeed dadka yaan is oran lama cadaalad sameyn, intaa ka gadaal ayaa waxaa la guda galey qeybinta Abaal mari nada (Jawaa’ista) waxaana si wada jir ah u qeybiyey Abaalmarinadii loogu talagaley ardada Sheekh Xassan Bookh, iyo Guddoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid iyo Sh Maxamed Macalin Foodcade.

no images were found

Tartankan ayaa ahaa mid socdey mudo seddex maalmood oo 3 qeybood ku tartamayaan seddexdaas qeybood oo kala ah Quraanka oo dhan, 20 ka jus iyo 10 ka jus ee ugu hooseeya quraanka ayadoo tartankaan uu yahay mid ardada Qardho ay isku celinayaan si kan ugu horeeya guruub walba uu uga qeybgalo Tartanka guud ee loo qabto ardada wax ka barata dugsi quraanda ku yaal deegaanada Puntland waxaana ugu dambeyn ku guuleystey 3 ardey ee kala ah.

1- Maxamed C/llaahi Bashiir oo ka socda Madarasada Daarul Biri ayaa waxa uu ku guuleystey Quraanka oo dhan

2-Cumar C/raxmaan Maxamuud oo ka socda Madarasada Daarul Quraan isna  ku guuleystey 20 ka jus

3- C/raxmaan siciid Aadan ayaa waxaa uu ku guulaystay madarasada Daaru sacaada seddexdaan ardey waxey ka qeyb geli doonaan tartanka guud ee Quraanka Kariimka ee ka bilaaban doonta maalinta sabtiga ah magaalada Garoowe.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. SCWW, Walalkey ALI MOHAMED ALI, Aad ayaan kuugu hambalyaynayaa sida wanaagsan ee aad dacawada kor ugu qaaday Dacwada magalada Qardho, ilaahay haku barakeeyo, masha allah.

Leave a comment

*