Baneysiga Dhiiga Muslinka Sheekh Maxamed idirs iyo Sheekh Ahmed Nuur (Daawo)

December 12, 2011 - Written by

Minisota:-Culumada iyo Ducaada dalka Mareykan gaar ahaan magaalada Minisota ayaa waxay qabteen kulan diimeed ay uga hadleen taariikhdii Dr Ahmed Xaji C/raxmaan iyo sida ay u banaaneyn in qofka muslinka dhiigiisa lagu baneysto tuhum  aan sal lahayn waxaana kulankaas ka soo qeyb galay culumo iyo dad weyne aad u tiro badan

Kulanka ayaa waxaa isku soo duba riday Masjidka Abuubakr Sadiiq  hoos ka Dhageyso Muxaadaraadkii laga jeediyey  gaar ahaa kuwa ay jeediyeen sheekh Maxamed idirs iyo Sheekh Ahmed Nuur.

Sheekh Maxamed idirs oo ka hadlaya Taariikhdii Dr Ahmed Xaji

Sheekh Ahmed Nuur oo ka hadlaya Khatarta Baneysiga dhiiga Muslimiinta

Halgan.net/Alyaqiin.com

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Culimada soomaaliyeed ee wanaagsan xaquna siduu yahay urraaca ilaahay haynoo daayo. waxaan layaabay Sh.hassan Takar haddii uu yahay nin cilmi leh oo jaamacad diiniya ka soo baxay before Sh. Umal iyo sh. shible, xaggee ayuu jiray markuu jaamacadda ka baxay miyuu dhulka galay oo hadda ayuu ka soo baxay waxaan ula jeedaa nimankaan culimadaa ee uu leeyahay waan oga horreeyay barashada diinta mar hore ayaa cilmigoodii lagu anfacay oo laga faa’iiday. marka asagu xagge jiray? waakan dhawr jeer oo uu afka kala furay ummaddii halmar wada dheheen ilaahoow yaa naga aamusiya!!

  2. walaalah waan idinka codsan lahaa in la sameeyo facebook grp or page oo halgan ay leeyihiin oo lagu faafiyo maxadaraadka culimada iyo maqaalada cullimada walaalyaal alahaa hu hiliyo culimda alahaa nga badbadiyo tafkiirka iyo khaarijta alhaa ceebeeyo oo ha halllaago amiiin

    NB halgan facebook page hala sameeeyo mahadanidiin

  3. Sheekh Maxamed Idirs Allaha ka abaalmariyo muxaadarada uu naga siiyay Dr Sheekh Ahmed Abdirahman taariikhda iyo hawl-galkii qiimaha badnaa uu sheekhu qabtay. Dr Sheekh Ahmed markii ay ugu horreysay waxaan ku arkay Madinah isagoo u yimi baaritaan caafimaad. Waxaan mar waliba lahaa xaqiiqda uu ka sheegayay sheekha.

    Runtii inta uu ilmaynayay Sheekh Idlriis, anigana sidoo kale ayaan u ilmaynayay.

    Ilaahay samir Allaha ka siiyo geerida saaxiibkiis Dr Sheekh Ahmed. Sidoo kale ummaadda Islaamka samir Allaha ka siiyo dhimashada sheekha. Kulligeenna samir Allaha naga siiyo. Sheekhana Ilahay jannaadiisa Allaha ka waraabiyo.

  4. ascw waxan leyahay amiin amiin ilahay hasoqabto kuwidilay sh dr axmed illaho soqabo sideg deg ah illaho u sobiyami insha allah isgana dariqada u kudhintay oo kale alle hana wa fajiyo amiin insha allah illahay qowmna ma dulmiyo ila ey gacmohoda isku dulmiyan mahee sida darteed qofdhig danmodey adun ka iyo akhiroba libanimayo

  5. Banaysiga Dhiigga Culimada Soomaaliyeed Shalay iyo Maanta

    In badan oo ka mida umadda soomaaliyeed oo maanta nool waxay goobjoog ka ahayd culumadii soomaalida ahaa ee nidaamkii shuucigu uu toogtay halka inta kelana ay dhacdadaas taariikh ahaan ku soo gaadhay. haddaba dib u jaleecidda taariikhdu waxay kuu sahashaa fahamidda dhacdooyinka aad la nooshahay, si aan u fahamno laynta culumada ee maanta bal aan eegno wixii shalay lagu laayay.

    Waxaa shuuciyaddu culumada ku eedaysay :

    1-inay diinta ka been sheegeen.

    2 in ay umadda marin habaabinayaan.

    3-in ay yihiin wadaad xumayaal xaqiiqada aan fahamsanayn.

    4-kacaanka inay ka soo horjeedaan.

    5- inay xubno ka yihiin urur diineed ka soo horjeeda xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed.

    6-iyo inay shisheeye kalkaal yihiin.

    Maxay maanta kaqaybgalayaashii shirkii Baydhabo qaarkood culumada ku eedeeyeen ?

    Waxay ku eedeeyeen:

    1-inay diinta ka been sheegeen.

    2-in umadda ay marin habaabinayaan.

    3-in ay yihiin wadaad xumayaal علماء السوء .

    4- mujaahidiinta inay ka soo horjeedaan.

    5-in ay ururo habaar-qaba ka tirsan yihiin.

    6-inay hay,ado sirdoon u shaqeeyaan.

    Hadaba isku ficil iyo qawl ekaa labada qolo maxaa ka dhexeeya ?

    Aragtidayda wax lala yaaba ma aha in dad meelo ku kale duwan ay meelo kale iska shabahaan,

    Hadaanse su’aasha jawaabteeda u soo noqdo, waxaa kamida waxyaabaha isu ekaan shaha sababay:

    1-baqdinta ay ka wada qabaan xujada culumada ee xoogga badan ee daliilka iyo xikmadda cuskani inay ka kala firdhiso taageerada shacabka ee xoog ku tacabka ah.

    2-jidka la rabo in loo maro hanashada iyo xukunka shacabka oo ku dhisan mabda xoog ku hirgalin

    3-u dulqaad yaraanta kala duwanaanshaha ra,yiga.

    4-difaacidda kursiga.

    5-iyo in qolo walba ay si fiican ugu muujiso asxaabta ay fikarad wadaagta yihiin ee geed fadhiga u ah in ay si saxa u hirgaliyeen mabda,a kali ah ee xalaasha ah ee aduunka ka jira.!!!

    Maxay shuucayaddii ka dhaxashay laynti culumada ?

    Layntaasu waxay u horseedday shuuciyaddi:

    1-go,doon ay ka galeen caalamkii islaamka .

    2-in culumada intii soo hadhay ay dareentay khatarta diineed ee umadda soo foodsaartay isla markaasna ay u hawgaleen qaab u dhigma culayska saaran.

    3-in si lixaad leh dhallinyaradii soomaaliyeed iyo guud ahaanba ummaddii ay ugu jeedsatay fahamka diinta ee saxiixa ah.

    4-in guud ahaan ummaddu ay fahamtay xaqiiqada loollanka socda ayna dhiiratay.

    5-iyo ugu danbayn in wixii ay ka baqayeen oo dhan uu dhacay.

    Banaysashadan cusub ee dhiiga culumada iyo guud ahaan birmagaydada ummadda waxa ay dhaxal siin doonto kuwa ku hawlan an u hanbeeyo inta igaga fiican saadaasha.

    Soomaalida manta maxaa kala gudboon laynta culumada iyo guud ahaan hal doorka ummadda ?

    Taariikhda dheer tan dhexe iyo midda dhowba waxay marag kacaysaa in soomaalidu aynan dhaqan u lahayn inay dari ulahaato ama ay jilbaha u dhigato kali talisnimo horseedda kutumashada hal doorkkooda,gaar ahaan xiligan aduunyadu halka tuulo ay noqotay,umadduna ay aragto isbadalka aduunka ka socda,kaasoo cod dheer kaga horyimid midabkasta oo ay leedahay amar ku taaglaynta qabwaynidu ku ladhantahay.

    Soo Saahid Qamaankii xoola dhaqatada ahaa ma ahayn kii ka dhiidhiyay amarku taaglaynti iyo macangagnimadi amiirki qabiilkiisa isagoo saahid tiriyay gabaygiisii taariikhda baalka dahabka ah ka galay ,oo xilli walbana loo soo daliishado ba,naanta isla qummanaanta xad dhaafka ah meel ay ku timaadaba haday huwantahay magac suldaanimo beeleed,ama hogaan siyaasadeed,ama xataa ha loo galiyo khamiis diineed e . Gabayga oo dheeraa waxaa ka mid ahaa:

    Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne
    Maantana maxay noqon sidii, Maxamed loo yaabye
    Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday
    Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e
    Nin mudmuday dharkayn hoosna maray,mudhuxyey shaaleeye
    Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane
    Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne
    Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin.

    Ugudanbayn waa in umaddu is way diiso in nimankii codka dheer ku muujiyay in ay khaladtahay in laga leexleexdo dhiigga culumada, hadaanay danbi ku lahayn laynta culumada,maxkamaddi sare ee kacaankuna tolow danbi ma kulahayd dilkii 10ki sheekh allaha unaxariistee. ?

    Haddii intii raaliga ka noqotay fatwadii baydhabo aynan danbigalin waa maxay danbigi ay galeen xisbigi hantiwadaaga kacanka soomaaliyeed.? Culumadu khalad ay tilmaameen kali ah soo shalay iyo maantama kuma aynan mudan laynta?

    Maxamuud M adar

Leave a comment

*