Ciidanka Amaanka ee magaalada Hargeysa oo qabtay xalay walxaha qarxa

December 28, 2011 - Written by

Hargeysa:Ciidamada ammaanka ee magaalada Hargeysa ayaa xalay qabtay miinooyin iyo walxo kale kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Hargeysa waxaana ciidanka amaanka soo wargaliyey shacabka ku dhaqan Hargeysa.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Nabadsugida oo lagu magacaabo G/sare Maxamed Cabdi Cali Shiine ayaa saaka  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa wuxuuna soo bandhigay miinooyinka iyo walxaha qarxa oo ay ciidamada qabteen xalay waxaana uu sheegay in laba nin ay dhigeen miinada.

Miinada ayaa waxaa la rabay in lagu qarxiyo Biriijka Labaad ee  magaalada Hargeysa oo u dhow guriga Madaxweynaha S/land. Ahmed Maxamed Siilaanyo. Labada Nin ee ee dhigay miinada ayaa xirnaa Jalbaab sidda uu sheegtay G/sare Shiine waxaana u suurto gashay in ay baxsadaan labada nin  ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan.

Ilo wareed ku sugan magaalada Hargeysa ayaa u sheegtay Halgan.net in miinada la dhigay meel aan ka fogeyn guriga madaxwey naha S/land Ahmed Siilaanyo iyo Hotelka Hargeysa Club.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online