Dagaal xooggan oo ka dhacay degaanka Xayo ee Gobolka Jubada Hoose

December 2, 2011 - Written by

Kismaayo:-Dagaal ayaa saaka ka qarxay tuulada Xayo oo u dhexeysa Qooqaani iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose iska horimaadkaan oo ahaa mid culus ayaa waxaa uu u dhexeeyey ciidanka Al-shabaab iyo ciidamo ka kala tirsan ururka Raas kambooni iyo DFKM oo ay gacan siinayaan ciidanka dalka Kenya.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ay isku dhaceen 2-bo sahan oo ka kala tirsan ciidanka Al-shabaab iyo kuwa Raaskaam booni, dagaalka ayaan ilaa hadda la aqoon cida ku gacan saraysa iyo khasaaraha kala gaaray ciidamada dagaalku uu u dhexeeyo.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa qolo walba waxaa ay ku dadaalaysaa in ay fariisamo cusub qabsto iyadoo ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa DFKM oo ay gacan siinayaa ciidanka Kenya ay doonayaan in ay ku siqaan degmada Afmadow iyadoo halkaasna ay ciidanka Al-shabaab ay soo dhigeen difaacyo adag.

Degaanka Xayo ee uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa ka go,an is gaarsiinta waxaan aad u adag in la ogaado  khasaaraha nafeed iyo mid maadi ee ka dhashay dagaalka socda, warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay inay jiraan dhowr gaadiid oo la kala qabsaday iyo kuwa la gubayba, ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka Al-shabaab iyo kuwa Raaskaamboni ee ku saabsan dagaalka.

A/cawaale
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online