Dil toogasho ah oo ka dhacay maanta duleedka magaalada Garoowe
December 10, 2011 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta lagu toogtay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal labo dhalinyaro ah oo ay maamulka Puntlland ku eedeeyeen in ay dilal qorshaysan ay ka fuliyeen magaalooyinka Boosaso iyo Gaalkacyo, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamud Xassan Cismaan ayaa ku eedeeyey in labadaan dhalinyaro ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab iyaguna ay qirteen in ay faldanbiyeedkaan dilka ah ay geysteen.
Xeer ilaaliyaha guud ee dowllada Puntland, Maxamud Xassan Cismaan oo la hadlay saxaafada ayaa xusay in 2-da dhalin yaro ee ay maanta lagu fuliyey dilka ay qirteen in ay lacag ka heleen ururka Al-shabaab si dilal iyo qaraxyo ay uga geyteen degaanada Puntlland. 2-da Dhalinyaro ee la dilay ayaa waxaa magacooda lagu sheegay C/llaahi Cabdulle Iimaan iyo Cismaan Cabdi Gaabow, Cabdullahi ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska iyo oday nabadoon ah halka Cismaan Gaabow lagu eedeeyey in uu dilay ilaa 5 qof oo 2-bo ka mid ah ay yihiin Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska halka 3-da kalena ay yihiin dad shacab ah.
Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale magaalada Garoowe lagu qisaasay gacan ku dhiigle dil ugu geystay magaalada Gaalkacyo Allaha u naxariistee nabaddoon Xasan Waroole oo ka mid ahaa odayaasha ka shaqayn jiray nabad iyo wanaaga.
Masuuliyiinta ururka Al-shabaab ayaan ilaa hadda ka hadlin eedeymaha ugu imaanaya madaxda maamulka Puntlland ee ku aadan in dhalinyaro ka tirsan ay dilal ka geystaan Puntlland ama ka wadaan amaan daro.
M_M_Deeq
Halgan.net

.gif)

