Nadwadii ka socotay South africa oo gashay habeenkii Labaad (Warbixin)

December 25, 2011 - Written by

South africa:-Waxaa caawa halkeedii ka sii socotay nadwadii diiniga ahayd ee ka bilaabatay dalka South africa  iyada oo caawa ahayd habeenkii labaad oo ay nadwadu si habsami leh uga socoto xarun ta dalka South africa waxaana nadwadaan soo  qabanqaabisay Jamciyada Al-Bayaan, Nadwada caawa ayaa waxaa Muxaadardii koowaad ka jeedshay Sh Maxamuud Shible waxaana uu si qoto dheer uga hadlay (Alwalaa Walbaraa).

Shiikh Maxamuud Shible ayaa siddii lagu yaqaanay waxaa uu si tafsiil ah u qaadaa dhigay Muwduuca Al walaa Walbaraa oo ay garab mareen laba kooxood oo kala ah Khawaarijta iyo Murjida waxaana uu u kala saaray Shiikh Shible allaha dhowree muwaalaadka in ay u qaybsanto laba qeyb qeyb macaasi ah oo aan lagu gaaloobeyn iyo qeyb lagu gaaloobayo.

Muxaadaradii xigtay waxaa isana jeedshay Sh. mustafe xaji waxaana uu ka hadlay tarbiyda caruurta iyo sida islaamka uu ahmiyad u siiyey tarbiyada caruurta, uxaadaradii xigtay ayaa waxaa jeedshay sh Cali Wajiiz waxaana uu uga hadlay wakhtiga iyo sida looga faa,idysto .Nadwada ka socta South africa ayaa waxaa cinwaan looga dhigay (Diintu Waa Nasteexo) waxaana ka soo qeyb galay nadwada culumada kala ah.

1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
2-Sheekh Maxamuud Shible.
3-Sheekh Mustafe Xaaji Ismail.
4-Sheekh Cali Maxamuud Xassan.

Jaaliyadda Wadanka Koonfur Afrika ayaa soo camiray Masaajidada ay culumada ka wadaan muxaadarooyinka .Halgan.net ayaad sida aad uga barateen waxay idiin soo gudbin doontaa Muxaadarooyinka ay jeedsheen caawa culumada  hadii alle idimo.

Halgan.net
South africa

1 Comment so far

Leave a comment

  1. a/s/ w/w/ salaan kadib culmada waxaan u dardaarmayaa iney dadka ukala saaraan alisticaanudu bil kaafir umada wax badan ayaa iska dhex qasan marka jazaakumulaah mashaa ikhdeena illaahay ha idinka abaal mariyo dadaalka halkiina ka sii wado oo dadka diinta hala baro xaqana alla ha waafijiyo waxaan kaloo u mahad celinaa halgan.net dadaalka ay u haayaan eyagana alla ha idinka abaal mariyo habka wanaagsan aad u soo gudbineysaan xaqa aadna ka hor tageysaan wax allaale wixii baadil ah a/s/

Leave a comment

*