Qarax ka dhacay isgoyska KM-4 oo ay ku dhinteen askar ka tirsan DFKM

December 6, 2011 - Written by

Muqdisho:-Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxaya ayaa waxaa uu ku qarxay  isgoyska KM-4  ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay 3 ka mid ah askarta DFKM waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan .gaariga ayaa qarxay ka dib markii ay joojiyeen ciidamada DFKM waxaana sidoo kale qaraxa ku dhintay qof rayid ah oo wadada marayey.

Gaariga ku qarxay isgoyska KM-4 iyo Tarbuunka  wuxuu ahaa gaari yar noociisana uu yahay Toyoto carib .Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo batay qaraxyada lala eeganayo ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM .

Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay qaraxa ka dhacay maanta Isgoyska KM-4 iyo Tarbuunka dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa loola cararay Isbitaalada si loo daweeyo.

 

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online