Muxaadaradii xalay Sawirkii Andalus oo ka soo muuqday dalka Soomaaliya Sh Umal.(Dhagayso)

December 2, 2011 - Written by

Nairobi:-Mareegta Wararka ee Halgan.net ayaa waxaa nasiib ay u heshay in ay hesho muxaadara dii uu Fadiilatu Sh Maxamed Cabdi Umal ka jeediyey Masjidka Abuu bakar Nairobi, muxaadarada ayaan baahin doonaa dhawaan iyadoo dhamaystiran insha Allaahu. Muxaadarada Sheikha oo dadka la ogeysiiyey laba maalin ka hor ayaa aad loo hadal hayey ilaa dorraad, waxaana dadka aad u soo jiitay magaca uu Shiikh u doortay Muxaadarada, taas oo ugu magac daray ” Sawir kii Andalus oo ka muuqda Soomaaliya”. Markii la tukaday salaadda Casar ayaa dad badan waxa ay iska xaadiriyeen boosaska hore ee Masaajidka, si ay ugu suura gasho inay si wanaagsan uga bog taan Muxaadarada, waxaana dhacday in qeybaha hore ee Masaajidka ay buuxsameen goor hore intii aan la gaarin Maqribka.

Hoos ka dhagayso Muxaadaradii Sh umal uu xalay ka jediyey Masjidka Abuubakar ee magaalada Nairobi

[audio:http://www.halgan.net/Mp3/AndulusVsSomalia.mp3]

Markii la addimay oo dadkuna ay u soo dareereen Masaajidka, ayaa waxaa meelo badan oo Masaajidka ah laga waayey boos lagu tukado, iyadoo dadku ay aad isu riixriixayeen, kuwa badan oo dadka ka mid ahna waxa ay isku beegayeen meelaha ay ku raki ban yihiin sameecadaha si ay iyana si fiican ugu dhageystaan Muxaadarada, qofkii ay u suura gali kartana uu u duubto.

Markii laga baxay salaaddii Maqribka, ayaa  dad hor leh waxa ay soo galeen Masaajidka, waxaana buuxsamay qeybaha ugu muhiimsan Masaajidka. Sheikh Umal ayaa soo galay qeybta hore ee Masaajidka si uu u bilaabo Muxaadarada.

Bilowga Muxaadarada

Sheikha ayaa Muxaadaradiisa ku bilaabay inuu qeexo halka Anadul ku taalo, wuxuuna sheegay in Andalus la isku oran jiray waddamada Spain, Portugal iyo qeyb ka mid ah dalka France, wuxuuna Sheikhu sheegay in dhulkaas balaaran ay muddo dheer ka talinayeen dowlado Muslim ahaa, horumar iyo barwaaqo badanna gaarsiiyey dhulkaas.

Sheikha ayaa sheegay in dhulkaas balaaran ay Muslimiintu maamulayeen boqolaal sano, iyagoona horumar dhinac walba ah ku talaabsaday intii ay maamulayeen dhulkaas. Sheikha ayaa sheegay in markii dambe dhulkaas balaaran lagala wareegay Muslimiinta, wuxuuna xoogaa ka taariikheeyey siyaabihii loola dhaqmay markii meesha laga saaray Muslimiinta.

Sababihii Muslimiinta looga saaray dhulkaas

Sheikha ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Muslimiinta Andalus u waayeen ay tahay naftooda, isagoona  sheegay dhowr qodob oo kala ah:

1- Inay waayeen cid u hiilisa oo garab u noqota, iyadoona hore markii ay caawinaad u baahdaanba ay u soo gurman jireen dowladihii Islaamka ee ka jiray waqooyiga Afrika, kuwaasoo meesha iyaguna ka baxay ama daciifay, sida Sheikhu sheegay.

2- Inay iskhilaafeen oo ay dagaalameen, taasoo ka mid ah sababaha ay umaduhu u rogmadaan.

3- In cadowgoodu u midoobay, halka ay iyagu kala tagayeen marba marka ka dambeysa.

4- Inay kalsoonidooda siiyeen dadkii gaalada ahaa ee ka soo horjeeday, una qaateen kuwa danahooda ka shaqeynaya.

5- In la diiday talooyinkii ay soo jeedinayeen Culimada

6- Inay u leexdeen raaxada nolosha, taasoo meesha ka saartay inay la xisaabtamaan cadowgoodii.

7- In qaar ka mid ah Culimadu ay ka gaabiyeen dowrkoodii.

Qodobadaas iyo kuwa kale ayuu Shekhu sheegay inay sabab u ahaayeen in Muslimiinta laga soo saaro dhulkii Andalus ee ay mudada dheer maamulayeen, wuxuuna Sheikhu sheegay in sababahaasi ay ka mid yihiin kuwa ay umaduhu ku rogmadaan.

Warbixinta qeybteeda kale waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wixii Sheikhu ka yiri Soomaaliya, isagoona ujeedadiisu ay aheyd inuu dadka u caddeeyo in Soomaaliya ay u ektahay Andadul tii ay Muslimiintu maamuli jireen bari hore, marka loo fiiriyo siyaabaha ay Soomaalidu u dhaqmeyso xiligan.

haka dheeraanin Somalireal iyo Halgan.net si aad uga bogato qeybta kale ee warbixinta aanu ka diyaarinayey Muxaaradadii Sheikhu ugu magacdaray “Sawirkii Andalus oo ka muuqda Soomaaliya”.

Somalireal-Halgan.net
Nairobi, Kenya

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online