Muxaadaradii xalay Sawirkii Andalus oo ka soo muuqday dalka Soomaaliya Sh Umal.(Dhagayso)

December 2, 2011 - Written by

Nairobi:-Mareegta Wararka ee Halgan.net ayaa waxaa nasiib ay u heshay in ay hesho muxaadara dii uu Fadiilatu Sh Maxamed Cabdi Umal ka jeediyey Masjidka Abuu bakar Nairobi, muxaadarada ayaan baahin doonaa dhawaan iyadoo dhamaystiran insha Allaahu. Muxaadarada Sheikha oo dadka la ogeysiiyey laba maalin ka hor ayaa aad loo hadal hayey ilaa dorraad, waxaana dadka aad u soo jiitay magaca uu Shiikh u doortay Muxaadarada, taas oo ugu magac daray ” Sawir kii Andalus oo ka muuqda Soomaaliya”. Markii la tukaday salaadda Casar ayaa dad badan waxa ay iska xaadiriyeen boosaska hore ee Masaajidka, si ay ugu suura gasho inay si wanaagsan uga bog taan Muxaadarada, waxaana dhacday in qeybaha hore ee Masaajidka ay buuxsameen goor hore intii aan la gaarin Maqribka.

Hoos ka dhagayso Muxaadaradii Sh umal uu xalay ka jediyey Masjidka Abuubakar ee magaalada Nairobi

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/AndulusVsSomalia.mp3]

Markii la addimay oo dadkuna ay u soo dareereen Masaajidka, ayaa waxaa meelo badan oo Masaajidka ah laga waayey boos lagu tukado, iyadoo dadku ay aad isu riixriixayeen, kuwa badan oo dadka ka mid ahna waxa ay isku beegayeen meelaha ay ku raki ban yihiin sameecadaha si ay iyana si fiican ugu dhageystaan Muxaadarada, qofkii ay u suura gali kartana uu u duubto.

Markii laga baxay salaaddii Maqribka, ayaa  dad hor leh waxa ay soo galeen Masaajidka, waxaana buuxsamay qeybaha ugu muhiimsan Masaajidka. Sheikh Umal ayaa soo galay qeybta hore ee Masaajidka si uu u bilaabo Muxaadarada.

Bilowga Muxaadarada

Sheikha ayaa Muxaadaradiisa ku bilaabay inuu qeexo halka Anadul ku taalo, wuxuuna sheegay in Andalus la isku oran jiray waddamada Spain, Portugal iyo qeyb ka mid ah dalka France, wuxuuna Sheikhu sheegay in dhulkaas balaaran ay muddo dheer ka talinayeen dowlado Muslim ahaa, horumar iyo barwaaqo badanna gaarsiiyey dhulkaas.

Sheikha ayaa sheegay in dhulkaas balaaran ay Muslimiintu maamulayeen boqolaal sano, iyagoona horumar dhinac walba ah ku talaabsaday intii ay maamulayeen dhulkaas. Sheikha ayaa sheegay in markii dambe dhulkaas balaaran lagala wareegay Muslimiinta, wuxuuna xoogaa ka taariikheeyey siyaabihii loola dhaqmay markii meesha laga saaray Muslimiinta.

Sababihii Muslimiinta looga saaray dhulkaas

Sheikha ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Muslimiinta Andalus u waayeen ay tahay naftooda, isagoona  sheegay dhowr qodob oo kala ah:

1- Inay waayeen cid u hiilisa oo garab u noqota, iyadoona hore markii ay caawinaad u baahdaanba ay u soo gurman jireen dowladihii Islaamka ee ka jiray waqooyiga Afrika, kuwaasoo meesha iyaguna ka baxay ama daciifay, sida Sheikhu sheegay.

2- Inay iskhilaafeen oo ay dagaalameen, taasoo ka mid ah sababaha ay umaduhu u rogmadaan.

3- In cadowgoodu u midoobay, halka ay iyagu kala tagayeen marba marka ka dambeysa.

4- Inay kalsoonidooda siiyeen dadkii gaalada ahaa ee ka soo horjeeday, una qaateen kuwa danahooda ka shaqeynaya.

5- In la diiday talooyinkii ay soo jeedinayeen Culimada

6- Inay u leexdeen raaxada nolosha, taasoo meesha ka saartay inay la xisaabtamaan cadowgoodii.

7- In qaar ka mid ah Culimadu ay ka gaabiyeen dowrkoodii.

Qodobadaas iyo kuwa kale ayuu Shekhu sheegay inay sabab u ahaayeen in Muslimiinta laga soo saaro dhulkii Andalus ee ay mudada dheer maamulayeen, wuxuuna Sheikhu sheegay in sababahaasi ay ka mid yihiin kuwa ay umaduhu ku rogmadaan.

Warbixinta qeybteeda kale waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wixii Sheikhu ka yiri Soomaaliya, isagoona ujeedadiisu ay aheyd inuu dadka u caddeeyo in Soomaaliya ay u ektahay Andadul tii ay Muslimiintu maamuli jireen bari hore, marka loo fiiriyo siyaabaha ay Soomaalidu u dhaqmeyso xiligan.

haka dheeraanin Somalireal iyo Halgan.net si aad uga bogato qeybta kale ee warbixinta aanu ka diyaarinayey Muxaaradadii Sheikhu ugu magacdaray “Sawirkii Andalus oo ka muuqda Soomaaliya”.

Somalireal-Halgan.net
Nairobi, Kenya

12 Comments so far

Leave a comment

  1. Asallaamu Calaykum

    Allaah ayaa mahad iska leh naga dhex dhashay sheikh Umal, Allaah hanoo xifdiyo hana noo barkeeyo anagana Allaah hanag yeelo kuo aysan xujo ku noqon cilmiga uu nugu dul akhinaayo, waa noo cadeeyey arkii sheikhu talona waxay la gudboontahay waa inaga, walaalha halgan sidoo kale waxaad noo buuxiseen boos qaali ah Allaah ha idiin barkeeyo cilmiga iyo caafimaadka runtii waxaad tihiin walaalo duco mudan.

  2. shiiqa ala ha xifdiyo

  3. A.S.C.W.W.SHEEKHA ALLAAH HAKA XIFTIYO MINKULI SUUIN WABALWA ISNA XAQA ALLAAH HAKU SUGO HANA WAAFAJIYO XAQA

  4. asc wr wb
    walalaha muslimintaa oo somalida aynu heyb wadaagno luqadan ku hadalana ila fahmaa wa ini salamaa waxana inku salama salaanta islamaka asc wr wb
    salaan kadib waxaan ku farxey shekha ilaah ha xafido fidnada ilah ha ka ilaaliyo ee muxadaradiisaan cajiibkaa ad ban ugu bogey wa mida kale sheekhu sida iimuuqataa mujahidiinta iyo halgankey cadowga kula jiraan wuu tageersanyahey waxeynu leenahey sh.umalow gacamahadaan ku bar baarnee ilaah haku ilaaliyo waxana kasugeyna inaad xaq dadka usii iftiimido

  5. ASCaleyku SHEEKHA ALLAHA BARAKEEYO AAMIIN, somalida waa dad maskaxdoodu foorarto wadamadaan loosoo qaxay yurub,ameerika i.w.m somalidu waa dad aad ugu soo badanaya dhulkiina waa lasoo faaruqiyey waxaana dhulkii kuharay dad aan waxbadan aqoon marka waxaan ku talin lahaa in wadanka aan badbaadino illaahna hanoo badbaadiyo waxaana wadanka lagu badbaadin karaa ayadoo gacanta lays wada qabsadolagana baxo QABIIL gaaladana meel looga soo wada jeesto insha’allaah waan gaaraynaa danaheena markaaas sc.

  6. Salaamu Calaykum
    Sh Umal alaha karaameeyo waa sheekh caalin ah kuwa culumada raba in ay soo gaaraan wax ha soo bartaan sheekh umal iyo culumda Soomaaliya adeer waan naqaan nin afduuban naguma diri karo aan ceyntiisa aqoon

    Halgan.net allaha idin xifdiyo

  7. Asw
    sheikha allaha xifdiyo waxu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee dalkooda wanaaga la jecel iyo dadkiisa muslimiinta ah ee somaliyeed

  8. salaaamu calaykum
    Sh umal alaha xifdiyo waa sh caalim ah cilmigiisana aan ka faa,ideysanay

  9. Asc/ku Dhamaan walalha Khayr jecel ilaahay halo baryo inuu shekhena cilmigisa iyo cimrigisa inoo Barakeyo

  10. Allaha noo barakeeyo sheekheena, allah dartiis ayaan u jeclahay sheekh umal, allaha nooga xifdiyo dhagarta gaalada iyo fitnada ee wadaan kooxda takfiirka ah ee hubaysan ee lagaran waayay meel ay wax u wadaan, walaalayaal waxaan ka aqriyay websiteyada taageera in mar dhow baydhabo shirka uga socda ay ku baneeysan rabaan fatwo lagu leeynayo culumada, bal dib u aqriya webabka loo furtay cayda culimada oo leh waxaa magacyada culumada si hoose loogu gudbin doonaa amniyaatka al-shabaab

  11. Salaamu Calaykum
    Mashalaah Maamulka Halgan Shukran waan sugaynaa muxaadarada Sh Umal ilaahay ha xifdiyo

    • a.s.w
      mansha allah ilaahay haxifdiyo sh walal soo galiyey muxaadiradaan webka waaa mahadsanyhiin jkh waa sugaynay muxaadiradan oo kale inay culumadeeno kaga hadasho ilaahay dhulkiina ha inoodajiyo xaqana hafahansiiyo

Leave a comment

*