Xajirnimada Diineed iyo Khatarta ay Ummada u Leedahay

December 20, 2011 - Written by

 Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatey Rabbi hufnaaye, naxariis iyo nabad gelyna suubaha Nabigeena kor kiisa ha ahaato.Waxaan qormadaan kooban ku qaadaa dhigi doonaa haddii Rabbi idmo mowduuc aad u muhiim ah saldhigna u ah dhibaatada guuntay ee ragaadisay ummadda Soomaali yeed laga soo bilaabo markii ay ka xoreebeen isticmaarkii na gumeeyey wixii ka horeeyey lixdamee yaddii.

 

Waxaan ka hadli doonaa xagjirnimadda nooceeda diimeed iyo khatarta ay ku hayso ummada. Waxaan ifindoonaa Rabbi idankiis astaamaha ay xagjirnimaddu leedahay iyo waxa lagu garto qofka xagjirka ah. Waxaan si gaar ah isu bar-bar dhigi doonaa meelaha ay iskaga dhafmaan “xagjirnada diimeed” iyo “xagjirnada siyaasadeed”.

Xagjirnimaddu waxay weligeed ahayd cudur soo jireen ah oo sabab u noqda in Ummado rogmaan. Waxaan shaki ku jirin in Ummadda Soomaaliyeed la soo daristay xagjirnamadu ayna saldhig u tahay dhiiga xurmadda leh ee sida aan kala go’a hayn u daadanaya. Xagjirnadu waxay gaartey baarkeedii ugu sareeyay mar haddii maanta la ugaarsanayo Culimadii iyo biri ma geydadii isla markaasna loo arko in daadashada dhiiga xurmada leh lagu gaarayo raali ahaanshada Rabbi iyo shahiidnimo! Waxaa maanta gabad iyo gumaad ku jira nin door oo dhan hadday yihiin culimo diineed, aqoon yahan wax ku ool ah, oday dhaqameed iyo weli qofkasta oo waxtar u yeelan kara mustaqbalka ummadda.

Xagjirnadu waxay soo ifbaxday markii Nebi Muxammad (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) lagu tuhmay in uusan caddaalad samayn! Waa yaabe haddii uusan Nebigii Rabbi soo dirsaday ee risaalada lagu aaminay uusan cadaalad sameyn yaa laga sugayaa in uu cadaalad sameeyo. Xagjirnadu waxay soo bilaabantay markii Cali Ibnu Abii Daalib – oo ka mid ahaa khulafadii hanuunsanayd ahaana qof dhalin yaro ah ee Islaam qaata qofkii ugu horeeyay isaga oo noolna Janno iyo Rabbi raali ahaanshihiis loogu bishaareeyey – loo dilay in lagu Janno tago oo dhiigiiisa Rabbi loogu dhowaado (maxaa maanta shaley uga eg!). Xagjirnamadu waxa si bareer ah u soo ifbaxday marka dhiiga Culimada iyo dadka diinta fidinteeda ku cireystay si aan gabasho la hayn loo iftooday in la gumaado isla markaasna lagu andacoodo in lagu Janno tegayo.

Xajirnimada Diineed iyo Khatarta ay Ummada u Leedahay

W/Q Sh.Dr. Maxamuud C/Raxmaan 
Al-Madiinah Al-Munawarah

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online