6 Saxiixayaasha Road Map-ka oo kulan maanta uga furmayo Magaalada Nairobi
August 4, 2012 - Written byNairobi:-Waxaa maanta kulan uu uga furmi doonaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya 6 Saxiixayaasha Road Map-ka waxaana kulankaas goobjoog ka noqon doona ergooyin kala duwan oo ka tirsan Beesha Caalamka oo ay ugu horeyso QM.
Magaalada Nairobi ayaa waxaa haatan ku sugan 6 Saxiixayaasha Road Map-ka oo kala ah Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed,Raisulwasaaraha DFKM Cabdi Weli Maxamed Gaas,Madaxweynaha Galmudud Col.Ahmed Maxamed Caalin,Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo wafdi ka socda kooxada la baxday Ahlu Suna
Kulanka Saxiixayaasha Road Map-ka ee lagu wado in uu ka dhaco Nairobi ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa halka ay marayso geedi socodka Raod Map-ka iyo iyo Dastuurka Soomaaliya ee la sheegay in si ku meel gaar ah loo ansaxiyey .
Kulanka Saxiixayaasha Road Map-ka marka uu u soo idlaado ayaa waxaa ay la kulmi doonaan sida warbaahinta uu ka sheegay sarkaal ka tirsan DFKM xogeeyaha arimaha dibada ee dalka Maraykanka Hilary Clinton oo haatan ku sugan dalka Kenya.
A/Cawale
Halgan.net