Abdulhakim Axmed Guled oo loo magacaabay Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka

August 15, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ayaa waxuu u magaacabay Abdulhakim Ahmed Guuleed Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed oo uu in mudo ahba ka ahaa Gudoomiyaha ku-meel gaarka ah iyo guddoomiye ku xigeen ka isla heydaas. Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka waa Hey’ad Madaxbanaan oo la aasaasay 25 July 2011, si ay u maareeyso dhamaan arrimaha la xidhiidho Masiibooyinka. Cabdulaahi Maxamed Shirwac ayaa iska casilay Bishii March ee sanadkan hogaanka hey’adaan.

Digreetadaan ayaa imaanaysa maalin ka dib kolkii ay Golaha Wasiirada ee DFKGM ah ay cod aqlabiyad balaaran isugu raaceen inaysan sharci ahayn dhamaan Dikreetooyinkii soo baxay laga billaabo 21/7/2011 ee lagu magacaabay Degmooyin, Xillal, Dalacsiin IWM oo aysan ansixin soona marin golaha Wasiiradda.

Hoos  ka eeg Digreet  uu Raiisul wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah uu xilka ugu magacaabay Abdulhakim Ahmed Guuleed

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

244,180 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>